Madaxwaynaha Iran oo ka digay dibadbaxyada dalkiisa ka socda

Published: November 18, 2019
Madaxwaynaha dalka Iran Xassan Ruuxaani

Madaxwaynaha dalka Iran Xassan Ruuxaani ayaa ka digay dibad baxyada rabshadaha wato ee ka soconaya dalkiisa kuwaasi uu sheegay in ay hor seedi karaan amni daro.

Dad lagu qiyaasay 87,000 oo ruux ayaa ka qeeb qaatay mudaahaaraadkii ugu dambeeyay ee dalka Iran ka dhacay, iyadoona lasoo wariyay in ugu yaraan ay dibad baxyadaasi ay ku dhinteen labo ruux.

Tobonaan banki iyo bakhaaro ayaa dab laqabadsiiyay ama lawax yeeleeyay xilli dad ku dhawr 1,000 ruuxna xabsiga loo taxaabay. 

“Dadku xaq ayay u leeyihiin in ay dibad baxaan balse waa in aysan rabshado wadanin” ayuu yiri madaxwayne dalka Iran Xassan Ruuxaani, isagoona intaasi sii raaciyay in aysan aqbaleen amni daro.

Dibad baxyada rabshada wato ayaa ka bilawday qiimaha shidaalka oo ay dowladdu sara u qaaday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *