Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dalka Kusoo Laabtay Kadib Safaroo uu ku tagay Faransiiska, Belgium Iyo Qatar.

Published: November 20, 2019

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali  oo caawa dib ugu soo laabtay dalka kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka ka maqnaa mudo dhan 10 casho waxa uuna safaro shaqo ku tagay dalalka France, Belgium iyo Qatar isagoo kulamo la qaatay madxada dalalkaas, ururo caalami ah , sidoo kalena waxa uu ka qaybgalay madasha Nabada ee Paris.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *