Madaxweynaha Hirshabele oo la kulmay Safiirada UK iyo Maraykanka.

Published: November 24, 2019

Maxamed Cabdi Waare  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada Dowladaha Ingiriiska, iyo Mareykanka Ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Danjire Ben Fender OBE , Madaxweynaha Waare Iyo Safiirada ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa fatahaadaha ku soo laablaabta magaalada Beledweyne iyo deegaanno ka mid Maamul Goboleedka Hirshabelle.

kulamadan ayaa diirada lagu saaray  sidii wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ay uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horimarineed ee hakinta fatahaadaha, Dardargelinta Mashaariicda Somali Stabilty Fund ee HirShabelle (UK), iyo arrimo kale oo la xiriira dib u dhiska iyo horumarinta Hirshabelle.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *