Akhriso:Taariikhda xeer-ilaaliyaha guud ee Madaxweyne Farmaajo Magacaabay

Published: November 26, 2019

Xeer ilaaliyaha cusub ee uu magacaabay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003.

Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Baakistaan, gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka. Shahaadada B.A ayuu isla Jaaamacadda ka qaatay sanadii.
Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM ee dhanka Sharciga, gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law).

Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibaddaba, iyadoo aan ka xusi karno, si kooban;
– Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Bakistan.
– Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.
– La-taliye Sharci asagoo la shaqeeyay wasaaraddaha Dowladda ee Puntland.
– Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, ee Puntland State University ee Garoowe.
– Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017
-Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada. Hay’adda: AMAL EXPRESS AND AMAL BANK. 2015-2016.
– Lataliye Sharci iyo Dastuur: Hay’adda: Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018
– Aas-aase, ahna Guddoomiye Kuxigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee loogu qareemayo dadka danyarta ah.
– Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019.

Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *