Howlgal Booliisku Ka Sameeyeen Bosaso oo Lagu Soo Qabtay Gantaalaha Gacanta Laga Tuuro [DAAWO]

Published: November 27, 2019

Magaaladda Bosaso waxaa maanta lagu soo bandhigay rasaasta gantaalaha gacanta laga tuuro, kaasi oo lagu soo qabbtay howlgal ay sameeyeen ciidamadda Booliiska gobolka bari.

Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/S Xuseen Cali Maxamuud oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hubkan ay soo qabteen Ay Alshabab Ay Doonayeen In Ay Ku Waxyeleyaan Shacabka Bosaaso.

“ Waxaa Ilaahay mahadiis ah, waxa gacanta lagu soo dhigay gantaalaha gacanta laga tuuro, kuwaasoo dhagar qabayaashu meelo ka mid ah magaalada ku qarsanayeen, kadibna baaritaankii xaafadaha lagu waday markay ogaadeen intay gurigii ka saareen ay dhigeen meel xaafadaha ka yimid, iyagoo ka cararay in guriga lagu qabto” ayuu yiri taliyuhu

Taliyuhu wuxuu kaloo uu ka hadlay dhalinyaro Lagu Soo Qabtay Dhaca Mobil Furashada Iyo Khamri, kuwaasoo Oo Maxkamda Ay Manta Xukuntay.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/1016383075377492/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *