Sudan: 20 Qof oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Warshad

Published: December 4, 2019

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii qarax uu shalay galab ka dhacay warshad Samaysa alaabta dhoobada oo ku taala caasimadda khartuum.

General Xuseen Cabdullaahi , taliyaha booliska waqooyiga Khartuum ayaa wakaalada wararka ee reuters u sheegay in tirada dhimashada ku sheegay 23 qof, iyadoo muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaa Qiic uuro madow ah oo cirka isku shareeray

Wuxuu kaloo sheegay in lix ka mid ah dhaawacyad la geeyay cusbitaalada ay xaaladoodu halis tahay

Qaraxan oo sidoo kale ay ku dhinteen dhowr qof oo ajnebi ayaa waxaa sababay dab ka dhashay Gaas la doonayay in lagu shubo mid ka mid ah Tankarada Gaaska ee shirkadda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *