Muqdisho – Ciidamada DFS oo xiray wariye

Published: December 17, 2019

Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah Wariye-yaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa waxaa Isniintii lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xasan Mursal oo hadda ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ee (Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda) ayaa waxaa hoygiisa ka watay ciidamada ammaanka, kuwaa oo ku xiray mid ka mid ah xarumaha laamaha amniga.

Ma cadda ujeedada dhabta ahi ee ka dambeysa xariga lagula kacay Yuusuf Xasan Mursal, oo muddooyinkii ugu dambeysay deganaa magaalada Muqdisho, sidoo kalena laamaha amniga ayaan ka hadlin xarigiisa.

Ehelada Yuusuf Xasan ayaa waxay sheegeen ka hor inta aan la xirin inaanay jirin warqad maxkamadeed oo la soo gaarsiiyay, laguna xiraayo.

Dadweynaha ayaa barraha bulshada ku hadalhaya xariga loo gaystay Yuusuf Xasan, xilli uu ka sii horeeyay Abuu Mansuur oo laga soo qabtay Magaalada Baydhabo, kuna xiran Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *