Beelihii ku dagaalamay Bariga Mudug oo 5 Qodob Ku Heshiiyay

Published: December 19, 2019

Beelihii dhowaan ku dagaallamay Bariga Gobolka Mudug ayaa gaaray heshiis lagu soo Af-jarayo colaaddi halkaasi kasoo cusboonaatay dhowaan.

Heshiiskan oo laga soo saaray qodobbo saldhig u ah deris wanaagga Labada Beelood ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21-aad.

Odayaasha iyo wax-garadka Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Shanta qodob ee hoos ku qoran, si loo dhameeyo colaadda Beelihii halkaasi ku dagaallamay dhowaan.

In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah

In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,

In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah

In Qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho

In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto?

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Ddagaalamay.

Heshiiskan ayaa ku yimid dadaal ay sameeyeen Ciidamada qalabka sida iyo xalka Odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaaro.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *