Maxkamad Dil ku xukuntay 5 Nin oo Loo Haysto Dilkii Suxufi Jamaal Khashuuji

Published: December 23, 2019

Maxkamada ku taala boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dil ku xukuntay 5 Nin oo ku eedaysnaa inay dileen Wariye Jamaal Khashuuji oo sanadkii hore lagu dilay Qunsiliyda Sucuudiga ee Isaanbuul.

Maxkamadu waxay kaloo xukumo ku riday saddex Nin oo kale oo lagu xukumay Xabsi, Ilaa 11 Nin oo u shaqaynayay dowladda Sucuudiga ayaa lagu soo eedeeyay dilka Suxufi Khashuuji.

Hay’adaha Xuquuqul insaanka ee Human Right ayaa dhaliishay habka qaadista dacwada ee Maxkamada, waxay tilmaameen inay aad uga hoosayso hal-beega caalamiga ah ee garsoorka.

Suxufi Khashuuji oo wax ku qorin jariidada Washignton Post ayaa aad u dhaliili jiray qoyska xukuma Sucuudiga Caribiya, taasi oo markii dambe sababtay in lagu dhex dilo qunsilayada Sucuudiga ee Istaanbuul.

Dilka Suxufiga ayaa lagu eedeeyay inuu amray dhaxal sugaha Boqortoyada Maxamed Bin Salmaan, hase yeeshee wuu beeniyay in wax ka ogaa dilkiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *