Dalka Ugu Tirada Badan Qaarada afrika oo La Soo Jeediyay In la Dhimo Tirada Xildhibaanadiisa

Published: January 3, 2020

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka wadanka Nayjeeriya ayaa soo jeediyay in la dhimo tirada xildhibaanada labada aqal si loo yareeyo kharashka dowladda

Xildhibaan Bamidele Salam

Bamidele Salam oo ah xildhibaan ka tirsan aqal hoose ayaa wargayska premiumtimesng u sheegay in lama huraan ay tahay in saddex meelood labo meelood la dhimo tirada xildhibaanada Federaalka oo haatan ah 469 xubnood. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la dhimo aqalka sare oo tiradoodu dhan tahay 360 xubnood.

” Gobolkii saddex xildhibaan ku leh Aqalka Senate-ka waa in mid kaliya laga soo reebaa, halka saddex meelmood meel laga soo reebo aqalka Wakiilada dowladda Nayjeria” ayuu yiri xildhibaan Salam

Dhinaca kale, Xildhibaanadu waxay soo jeediyeen si loo yareeyo kharashaadka dowladda waa in la dhima tirada gollaha xukuumadda ee Madaxweyne Maxamed Buhaari

” Gobolada federaalku waa inaysan 7 Wasiir ka badnaan, halka xukuumadda Federaalkuna aysan yeelana wax ka badan 15 Wasiir oo kaliya” ayuu yiri Xildhbiaan Salim

Mudane Salam Wuxuu ku talinayaa in Tirada xildhibaanada Federaalka laga dhigo 146 xubnood halka ay hadda ka yihiin 469,. Xildhibaanada aqalka sare ee Senators ayuu soo jeediyay in laga dhigo 109 xubnood, halka ay hadda ka yihiin 360 Xubnood

Gunnooyinka iyo mushaharka uu qaato xildhibaanku ayaa ah mid aad u badan, Xildhibaanka ayaa mushahar iyo Gunno ahaa ahaan Sanadkii u qaata lacag dhan 450,000 Kun (Afar boqol iyo Konton kun oo dollar), wuxuu mushahar ahaan bishii u qaataan $25,000 kun oo dollar.

Tirada shacabka wadanka Nayjeeriya ayaa lagu sheegay inay kor u dhaafayso 200 Milyan oo qof. Dakhaliga soo gala xukuumada federaalka ayaa 70% waxaa loo isticmaal kharashaadka iyo musharaadka dowladda. Xildhibaanku wuxuu ku taliyay in lacagaha tirada badan ee ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada loo weeciyo dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, Adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee dadweynuhu baahida u qaaabaan iyo baahiyaha kale ee dalka ka jira.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *