Abuu Mansuur oo la dejiyay hoy ku dhow xarunta Nabad Suggida

Published: January 7, 2020

Hoggaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa laga wareejiyay hoygii uu xabsi guriga ku ahaa, oo ku dhow Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali la dejiyay hoy kale oo ku dhow xarunta Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku sii ahaan doono hoygan, oo ay ku ilaalin doonaan askar ka amar qaadata Dowladda Soomaaliya.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii uu Sheekh Mukhtaar Roobow bilaabay inuu cunada ka soomay, sababo ku aadan cadaalad-darro oo uu ka tirsanaayay Dowladda Federaalka.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Abuu Mansuur loo wareejiyay guri ku dhow xarunta Hay’adda Nabad Suggida.

Sidoo kale waxaa uu Warbaahinta gudaha u sheegay in Abuu Mansuur uu Isniintii shalay ahayd bilaabay inuu cunnada cunno, ka dib markii ay dowladdu xalisay mid ka mid ah saddex waxyaabood, oo uu ka cabanaayay.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa waxyaabihii uu ka cabanaayay Abuu Mansuur ku kala sheegay hoygii lagu haayay oo amni ahaan uu walaac ka qabay, ilaalada la joogto oo dhawr bilood aan mushaar qaadan, taasoo uu u arkaayay arrin kale oo amnigiisa halis ku ah iyo inuu dalbanaayay cadalaad uu helo, oo maxkamad la geeyo oo go’aan maxkamadeed uu ku xirnaado amaba lagu sii daayo.

Abuu Mansuur ayaa tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 ku xiran Magaalada Muqdsho, ka dib markii laga soo qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *