Madaxwayne Deni oo u safray Boosaaso

Published: January 11, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa saakay safar dhulka ah uga amba-baxay magaalada Garowe , isagoo kusii foodleh magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Saciid Deni ayaa magaalada Boosaaso waxa uu kulan kula qaadan doonaa odayaasha dhaqanka magaalada, gaar ahaan kuwa dhaliilsan xukuumaddiisa, waxuuna kala hadlayaa daminta xiisadda iyo sii uu ugu qanci lahaa inay la shaqeyaan xukuumaddiisa.

Deni ayaa horay waxa uu u xiray odayaal dhaqan kaddib markii ay ka hadleen heshiis ay maamulkiisa la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Maxkamadda derajada koowaad ee Puntland ayaa maalmo ka hor odayaashaas ku xukuntay xabsi seddax bilood ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $500 ilaa $1,000 dollar ah.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa kaddib markii qaar ka mid odayaasha Puntland ay ka dalbadeen Madaxweyne Deni inuu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhaxeeya odayaasha dhaqanka ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale safarka iyo raadinta xalka odayaasha Boosaaso ee madaxweyne Deni ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Garowe laga dhigay munaasabadda sanad guurada koowaad ee waqtiga xilheyntiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waxan ku talin laha 0daysha gobalka barri in aay lashaqeyan madaxweynaha puntland saciid Abdulahi Danni.waxan 0ran laha 0dayasha gobalka barri iyo kuwa puntland oo dhan in aay madaxwynaha ulashaqeyan siday kuwi Asaga ka horeyey ulashaqaysan? Wadankana dhibta kadeysan.madaxwynaha waxan leyahay 0dayasha xiran oo xukuman xabsiga ka sii daa oo cafis madaxweyne ufidi
    .gacantana mari sida lagu yaqiin nin Boqor ah.

  2. In la siidaayo odayaasha ma xuma laakiin waa inay Nabadoonimada ay sheeganayaan kula shaqeeyaan dowlada oo ay joojiyaan Balaayo doonimabada dalkana dhibta ka daayaan.