Madaxweyne Deni oo Xil ka Qaadis iyo Magacaabis Cusub Sameeyay

Published: January 12, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.10 January 12, 2020 kusoo saaray magacaabis iyo xil-kaqaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaaday Guddoomiyihii iyo xeer ilaaliyihiin Maxkamada Ciidamada oo uu hore u magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas

G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye
G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye

Madaxweynuhu wuxuu si ku-meel-gaar ah guddoomiyaha maxkamada ugu magacaabay G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay. wuxuu sidoo kale G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah ugu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada shanta Gobol.

Xil-ka-qaadista uu madaxweynuhu ku sameeyay masuuliyantan ayuu ku sababeeyay Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaaladda Bosaso ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Ciidamada iyo dambiyada culus ee Puntland iyo 5 Garsoore oo ka tirsanaa maxkamada. Waxaa kaloo uu si ku meelgaar ah u magacaabay guddoomiye Cusub.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *