Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo Ka Hadashay Tirada Injineerada Wax Ku Noqday Qarixii Maanta

Published: January 18, 2020

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 20 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii qarax ismiidaamin ah lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen Injineero u dhashay wadanka Turkiga

Qaraxan oo aad u xoog badnaa oo ka dhacay aaga Bood-boodka ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dadka dhaawacyadu ka soo gaareen waxaa ka mid ahaa Injineerada Turkida iyo ciidamadii ilaalada u ahaa.

https://www.facebook.com/mevlutcavusoglu/posts/1198408317019920

War ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in lix injineer ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo mid ka mid ah ay dhaawiciisu halis yahay

Injineeradan qaraxa lala beegsaday ayaa ka shaqaynayay dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo dhaqaalaha lagu dhisayo ay ku deeqday dowladda Qadar.

85 kii qof ee ku dhintay QQarixii 28 December ka dhacay Ekiskontrool afgooye waxaa ka mid ah muwaadiniin u dhashay wadanka Turkiga kuwaasoo ka shaqaynayay dhismaha wadada afgooye iyo Muqdisho

“It’s very early to say how many have been killed in the attack but what we know is several people, including soldiers, were killed and 20 others wounded and casualties could rise,” he said.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Waxan maqli jirey:
    “ Haan, hadaan wax ku jirin , maxa haben keliya loo tumaa?

    Turkiga, haduu ka dhab yahay waxtarku, maxay dalka nabadgelyada leh wax u tari waayeen oo isugu biimaynayaan qoriga afkiisa?

  2. SubhanAllah san isu cunaynay ayaa noqonay dugaag aan wax aqliya lahayn wadhawna dunida wa kababa’aynaa Allaw noso birmo