Fayruska Shiinaha ka dillaacay Oo Go'doomiyay 30 Milyan oo Qof

Published: January 24, 2020

Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin isxiga oo lagu xakamaynayo Fayras dhalilyay xanuun aan la aqoon oo ka dilaaacay wadankaasi iyadoo la go’doomiyay dhowr Magaalo oo ay ku noolyihiin 30 Milyan oo Qof.

Xukuumadu waxa xayiraad ku soo rogtay magaalooyinka Wuhan,Wohan, Ezhou, Huanggang, Chibi, Qianjiang, Zhijiang, iyo Jingmen, Magaalooyinkaas ayaa loo ogolayn in qofna uu galo qofna ka soo baxo.

Fayruska oo dilay 24 Qof ayaa markii hore ka dilaacay Magaaladda Wuhun oo ku taala bartamaha wadanka Shiinaha, waxaana uu ku dhacay 830 qof waxaana uu ku faafay 10 wadan oo uu ka mid yahay Maraykanka.

Dowladda shiinuhu waxay joojisay dhammaan safarada qaarkood, xafladaha iyo dabaaldegyada lagu qabo magaaladda Beijing ee caasimadda Wadankaasi, waxay kaloo mamnuucday in dadweynuhu ay isugu soo ururaan goobo fagaare ah.

Dhinaca kale, Xukuumada Shiinaha ee gobolka Wuhun ayaa lix maalmood ku dhisaysa Cusbitaal qaada ilaa 1000 sariirood, kaasi oo la filaya inuu shaqo bilaabo toddobaadka dambe

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *