Madaxweynaha Puntland oo la kulamy safiirada Uk iyo Maraykanka ee Soomaaliya.

Published: January 24, 2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Nairobi ayaa kulan la qaatay safiirada dalalka maraykanka iyo ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Ugu horay Dr Deni ayaa la kulamy safiirka Dalka Mr yamomoto iyagoo ka wada-hadlay xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo akle la kulmay Ambassador Ben Fender safiirka Uk ee Soomaaliya isagana waxa ay ka wada-hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida ay baahisay madaxtooyada Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ku Magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar-gaar ah kula yeelanaya safiiro ka socda Beesha Caalamka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *