Doorasho Caynkee ah Ayaa Soomaaliya ka dhacaysa 2020/21? (Qaybtii ugu danbeysey)

Xildhibaanada baarlamaanka oo la dhaarinaayo / December 27, 2016. UN Photo / Ilyas Ahmed

Su’aasha ugu badan ee la is weydiinayo ayaa ah sida ay noqon doonto doorashada Soomaaliya ka dhici doonto dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka 2021. Labadii qoraal ee hore ayaan ku faah-faahiney taariikhda la soo marey, sharciga doorashooynka iyo weliba xeerka Xisbiyada, waxaana inoo soo baxdey in ay adagtahay in Xisbiyada hadda jiraa ay yihiin  kuwo fulin kara ama ka soo bixi kara xeerka lo dhigay, haddaba sida aan ku baranay sooyaalka doorashooyinkii u danbeeyey ee Soomaaliya ka dhaca waxaa inta badan shaqeeya waa qorshaha labaad ama plan B.

Waxaan qoramadan aan ku soo xireyno qoraaladii hore,  ku eegaynaa qorshaha Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, doorka Dowlad goboleedyada iyo ugu danbeyntii kuwa markasta ugu muhimsan  siyaasadda Soomaaliya xaaladaha loogu yeero kala guurka kuwas oo ah Beesha Caalamka iyo ugu danbeyntii talooyin la xiriira doorashada 2020-21.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiligii la doortey ay ka soo wareegtey saddex sano waxa uu si weyn uga duwan yahay madaxweynayaashii ka horeeyey marka la eego qaabka uu doonayo in uu talada dalka isugu koobo isaga oo iska indha tiraya halka kubadda lagu ciyaari doono.  Fursadaha caqabadaha ku noqon kara ee Madaxweynaha soo maray ayaa ah in wakhtigiisi ugu badnaa ay geliyeen burburinta dowlad goboleedyadii dhisnaa iyo dib u dhisidda Dowlad goboleedyo taag daran, waxaana wiiqantey awoodii Dowlad goboleedyadu ku lahaayeen siyaasadda dalka saddexdii sano ee u danbeysey.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu lee yahay laba qorshe:

Qorshaha kowaad ayaa ah  in uu sanadkan xoog u garaaco durbaanka Beesha Caalamku aad u dooneyso oo ah “Hal qof iyo Hal Cod”, qorshahan ayuu ka heli karaa laba arrimood, 

  1. in uu qabto doorasho aan xalaal ahayn oo loogu magacdaro Xisbiyo
  2.  iyo muddo kororsi si loo hirgeliyo doorashooyin guud oo u baahan wakhti dheeraad ah.

Qorshihiisa labaad ayaa ah in Plan B uu keeno kaas oo qudhiisu u baahan  wakhti dheeraad ah, la qabto wax loo yaqaan Mini-Election taas oo laga tix raacayo doorashadii 2016, waxbadana laga bedalayo, qorshahan qudhiisa ma ahan mid wax uga dhumayaan isaga, ugu yaraan waxa uu helayaa 6 bilood oo muddo kororsi ah.

Waxaa hubaal ah in aanu sii socon doonin jacaylkii iyo wada shaqeyntii isaga iyo raysalwasaare Kheyre  oo noqdey raysalwasaarihii ugu mudada dheeraa ee 20 sano ee u danbeysey, waxaa si weyn loo sugayaa in dhawaanahan ay bilmaato olole Dowladda federaalka ah dhexdeeda, sida in  Xukuumad cusub la dhiso taas oo ah olole doorasho, waxaana arrintaani ay si xoogleh u kala qaybin doontaa Goloyaasha baarlamaanada oo ay ka buuxaan Xildhibaano doonayo in ay dib u soo noqdaan, taas oo dhabadda u xaareysa in  awooda Dowlad goboleedyadu ay dib u soo noolaato.

Beesha Caalamka

Doorka Beesha Caalamka ee siyaasadda Soomaaliya ayaa ahaa mid hoos u dhacay  sanadkii 2018 markii Dowaldda Federaalku ay dalka ka eridey ergeygii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom,waxaa hadda muuqata in beesha caalamku ay mar kale la soo baxdey ilkaheedi isla markaana ciyaareyso door muuqda, sida wararku sheegayaan daneeyaasha iyo bahwadaagta Soomaaliya ayaa wada shir ballaaran oo la doonayo in lagu jiheeyo siyaasadda in uu qabsoomo dhawaanahan, waxaana ay aad u sugayaan Dhismaha galmudugta saddexaad ee  xaaladeedu cakiran tahay.

 Muxuu yahay Qorshaha Beesha Caalamku?

Ugu horreyn Beesha Caalamka  marna ma dooneyso in ay wax ka beddesho dhawaaqoodi hore ee ahaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho dimoqraadi ah oo ah hal qof iyo hal cod, loo wada dhan yahay, haweenkana door muhim ah laga siiyo, ma doonayaan in dib loogu noqdo dhabadii hore, laakiin waxaa qudhooda u muuqda caqabadaha hor taagan waxaana ay kala dooranayaan:

  • In Dowladda hadda jirta muddo kordhin loo raadiyo si ay dalka uga hirgeliso doorashooyin, arrintan caqabad weyn ayey leedahay waana adag tahay in ay Dowladda u helaan muddo kordhin, waxaana jira Dowlado badan oo Britian u horeyso oo wada shaqeynta dowaldda hadda jirtaa ay aad u xun tahay.
  • Qorshaha labaad ayaa ah in Bisha Saddexaad ee sanadkan ay shir isugu keenaan Dowlad goboleedyada iyo Dowaldda Federaalka ah shirkaas oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas lagua asteyn in la hagaajiyo wada shaqeynta, si dalka doorasho uga dhacdo.  Shirkan waxa uu fursad u yahay Dowlad goboleedyada in ay dib u soo celin karaan doorkii ay lahaayeen.
  • Qorshaha saddexaad ee  beesha Caalamka ayaa ah in ay taageeraan Qorshaha Plan B haddii Plan A ee One man one Vote uu socon waayey, laakiin uu noqdo mid aad uga duwan  kii 2016.

Si kastaba  ku dheganaanta Beesha Caalamka ee in dalka ay ka dhacdo doorashooyin guud ayaa waxay fursad u tahay Dowladda hadda jirta, inkasta oo sharciga Doorashooyinku aanu siineyn wax sharciyad ah oo ka badan 6 bilood oo ay doorashooyinka dib ugu dhigi karaan.

Doorka Dawlad Goboleedyada

Madaxda Dowlad goboleedyadu waxay lahaan jireen door muuqda hanaanka doorasho ee dallka ka dhacaysa iyo siyaasaddaba. Ma jirto wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxaysa Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalka,  xitaa labada maamul ee Dowaldda federaalku ay dib u dhisatey kadib markii ay meesha ka saareen kuwii ay ugu yimaadeen.

Sanakdan 2020 waxaa si weyn loo rajeynayaa in doorka Dowlad goboleedyadu soo noqdo, isla markaana  talo ku yeeshaan hanaanka siyaasadda ee dalka waxna ka go’aamiyaan masiirka.

Puntland oo ugu awood badneyd Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa u muuqata  in ay keli noqotey oo aysan haysan wax gaashaanbuur ah, waxaana ku soo harey Jubbaland oo go’doon siyaasadeed ku jirta, waxaa la is weydiinayaa in Dowladda Puntland ay dib u soo celiso kaalintii hoggaamineed ee ay ku lahayd hanaanka siyaasadda dalka iyo in ay sidaas ku sii jiri doonto. 

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la dhihi karaa waa shakhsi si weyn u fahamsan siyaasadda Muqdisho, waxaana sanadkii la soo dhaafey ee uu xilka hayey uu ka degi waayey mawjado siyaasadeed oo qaarkeed laga soo abaabulaayey Villa Somalia, Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu ka bilaabey magaalada nairobi ee uu hadda ku sugan yahay ayaa la dhihi karaa waxay noqon karaan kuwo mar kale muraayadda Siyaasadda ku soo celiya Puntland. Shaqooyin ugu weyn ee horyaala Madaxweynaha Puntland ayaa ah in uu dib u soo celiyo madashii iyo iskaashigii dowladaha xubnaha ka ah federaalka si aysan awoofdu ugu koobnaan oo keliya Villa Somalia.

Nidaamka 4.5

Nidaamka Afar iyo Bar ee lagu heshiiyey shirkii Carta  sanadkii 2000 ma ahan mid si deg-deg ah looga bixi karo, suurta galna ma ahan doorasho hal qof iyo hal cod ah in haddana lagu saleeyo 4.5. Ogsoonow  dad badan waxay doonayaan in nidaamkaas lagu sii jiro sababta oo ah sidaas ayey ugu badisaa waxaana ay u arkaan 4.5 in uu yahay aalad loo isticmaalo  Equity. 

TALOOYIN

Haddaba qoraalkan dheer oo aan u qaybiney saddex qaybood waxaan ku soo xirikarnaa, in aysan suurta gal ahayn sharciga doorashooyinka Qaran in lagu maamulo doorashada ay ka dhiman tahay 12 bilood, haddii kale loo baahanyo in doorashada dib loo dhigo si sharcigaani u shaqeyn karo lana sameeyo.

  • Amniga dalka oo la sugo
  • Afti loo qaado Dastuurka
  • Dib u diiwaan gelinta Xisbiyada si waaafqasan sharciga Xisbiyada
  • Diiwaan gelinta codbixiyaasha

Arrimahan waxay ka horeeyaan in doorasho hal qof & hal cod ah ay dalka ka dhacaan,  haddaba waxaan ku talineynaa. Iyada oo tusaale laga qaadanayo doorashadii 2016 in la hirgeliyo doorasho u dhaw hal qof hal cod, xaaladda dalkana aan uga dareyn kana tayo fiican tii sanadkii 2016, taas oo leh:

  • In ay ka dhacdo magaalooyinka iyo degmooyinka nabdoon ee ay ka dhici karto ee aan kuraasta Xildhibaanada loo rarin magaalooyin kale sida hore u dhacdey ee caasimadaha Dowlad goboleedyada  iyo Muqdisho la geeyey.
  • In doorka isimadu ku ekaado in ay caddeeyaan halka uu ka imaanayo Xildhibaanku si lamid ah  2016, maadaama beeluhu si kaltan ah wax u qaybsadaan.
  • In codbixiyaashu ay ka yimaadaan deegaanka Xildhibaanka lagu dooranayo oo aan lagu koobin  keliya Beesha Xildhibaanku ka soo jeedo, ee ay noqoto mid deegaanku u siman yahay.
  • In Aqalka sarena sidaas si lamid ah lagu doorto
  • In tirada codbixiyaasha la gaarsiiyo ugu yaraan 700 oo codbixiye, taasi waxay keenaysaa in Xildhibaanada ay soo doortaan muwadaaniin  gaaraya 230,000 kun oo muwaadiniinta dalka ah, halka doorashadii 2016 ay gaaryeen keliya 14 000 oo muwaadin.

Doorasho caynkan ah waxay ku dhawdahay Hal qof hal cod, ma ahan mid xaaladda dalka uga daraysa, iyo in jaahwareer siyaasadeed uu dhaco, waxay ilaalinaysaa isu dheelitirka  iyo wax qaybsiga.

Qore: Ismaacill S. Aw-musse

Qoruhu waa Cilmi-baare ka tirsan Machadka Diraasaadka ee Hayaan Institute fadhigiisu yahay magaalada Garoowe, Soomaaliya

You May Like

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *