Farmaajo Oo La Kulmay Ra’isul Wasarayaasha Canada iyo Norway

Published: February 9, 2020

Madaxweynaha dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaaladda Adis-ababa kaga qaybgalay shir madaxeedka midowga Afrika ayaa la kulmay Ra’isul Wasarayaasha Wadamada Canada iyo Norway

Madaxweynuhu wuxuu shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau, waxayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. 

Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg. Waxaan uga mahadcelinayaa Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *