Ilyaas: Ragii kufsadey oo diley Caasho Cafis Bay Iga Dalbadeen,Waana Cafiyay

Published: February 11, 2020

Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay marxuumada Caa’isho ayaa sheegay inuu cafiyay ragii kufsaday oo dilay Gabadhiisa kadib markii ay ka codsadeen intii aan lagu fulin xukunka Dilka ah.

Wuxuu sheegay inuu goobjoog ahaa xiligii lagu fulinayay dilka toogashada ah labada Nin ee kufsaday ee dilay Caa’isho, waxaa kaloo uu sheegay inuu dhuunta iyo gacanta ka taabtay si uu u hubiyo inay dhinteen

“Ragii kufsaday oo dilay caa’isho deris baanu ahayn, cafi bay iga dalbadeen markii ay saarnaayeen baabuurka shabaqlaha ee jeelka, Aakhro ayuu war jiraa baanu ku iri, waana cafiyay, tiirka ayaa la geeyay oo waa la toogtay” ayuu yiri Aabe Ilyaas

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/661582331247247/

Aabe Ilyaas waxaa la waydiiyay Sababta keentay in dib loo dhigo in xukunka dilka ah lagu fuliyo Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay dilka iyo kufsiga Caa’iisho, waxaana uu ku jawaabay

“10 cisho ayaa dib loo dhigay, dambiile ayuu ahaa laakiinse codsi baa jiray xaga qoyskiisa ah iyo annaga ah, waana la hubinayaa 10 cisho”

Wuxuu sheegay inuu inaad ugu faraxsan yahay oo soo dhawaynayo in gabadhiisu hesho cadaalada kadib markii dil toogasho ah lagu fuliyay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *