Shirkadaha Isgaarsiinta Oo Lagu Amray Inay Dalbadaan Ruqashadaha ay Ku Shaqaynayaan

Published: February 17, 2020

Hay’adda dowladda federaalka u qaabilsan Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku dhawaaqday Hannaanka Mideysan ee Rukhsadaha Isgaarsiinta & Teknolojiyada dalka (Unified Licensing Framework – ULF), ka dib markii ay soo gabagabowday muddadii loogu talo galay wada-tashiga dadweynaha.

Hannaankan oo ku saleysan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka wuxuu shirkadaha u fududeynayaa nidaamka ay ku qaadan karaan rukhsaddii ay ku shaqeyn lahaayeen, waana mid aan shirkadaha ku xaddideynin nooca teknolojiyada iyo adeegga ay bixinayaan, taas oo u sahleysa inay hal-abuurro cusub soo kordhiyaan.

Nidaamkan ayaa ku soo ururinaya rukhsadaha 3 qeybood oo waaweyn oo kala ah 1) shirkadaha bixiya adeegyada kaabayaasha isgaarsiinta (Communications Infrastructure Providers (CIP); 2) shirkadaha bixiya barnaamijyada iyo adeegyada (Application Service Providers -ASP) 3) shirkado isku bixiya kaabayaal iyo adeegyaba (Communications Infrastructure and Services Providers (CISP).

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta & Tekenolojiyada, Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Hay’adda ay tahay in la hirgeliyo hannaan rukhsadeed oo casri ah oo sidoo kalena tixgelin siinaya duruufaha dalkeena.

“Shirkadaha bixiya adeegyada ay Hay’addu nidaamiso waxay haystaan illaa 1da Abriil inay ku soo dalbadaan rukhsadihii ay ku shaqeyn lahaayeen, haddii kale waxaa loola dhaqmi doonaa inay yihiin shirkado cusub,” ayuu yiri Maareeyaha oo intaasi ku daray in warbaahinta laga doonayo in marka hore ay rukhsad ka soo qaataan Wasaaradda Warfaafinta ka hor intaysan Hay’adda Isgaarsiintu siinin hirkii (frequency) ay ku shaqeyn lahaayeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. C/raxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa soo dhoweeyay tallaabadan cusub ee ay qaadday Hay’adda Isgaarsiinta, isagoo xusay in wasaaraddiisu qeyb ka ahayd hannaankan maadaama ay ka khuseyso arrimaha warbaahinta iyo hirarka ay ku shaqeeyaan maadaama Wasaaradda Warfaafintu u xilsaaran tahay nidaaminta waxyaabaha ay baahinayaan.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Xildhibaan C/laahi Bile Nuur, oo soo xiray kulanka ayaa ku ammaanay Hay’adda Isgaarsiinta dadaalka ay ku bixisay diyaarinta dokomintigan oo nidaaminaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, wuxuuna faray shirkadaha inay rukhsadaha ku qaataan muddada ay jaan-goysay Hay’addu.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta, ISPs, bankiyada, shirkadaha diiwaangeliya website-yada, ururrada warbaahinta iyo wakiillo ka socda wasaaradaha kala duwan ee dawladda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *