Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Doorashooyinka Federaalka-DAAWO

Published: February 21, 2020

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi qalinka ugu duugay sharciga doorashooyinka qaranka ee heer Federaalka, kaasi oo ay hore u soo ansixiyeen labada aqal ee barlamaanka federaalka

Madaxweyne Farmaajo ayaa sharciga saxiixay isagoo ay garab taagan yihiin Guddoomiyayaasha labada aqal, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo caawa ka qaybgalayay munaasabad lagu soo xirayay kalfadhiga 6aad ee Barlamaanka.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/1204822259712814/

Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay xukuumada ayaa waxaa si weyn uga horyimid Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *