Wasiir Ciid: Diyaarado iyo Qalab Casri ah ayaanu Kula dagaalamaynaa Ayaxa

Published: February 22, 2020

Wasiirka beeraha iyo waraabka ee dowladda Federaalka ayaa sheegay inay diyaariyeen diyaarado iyo qalab kale oo casri ah oo lagu dagaalami doono ayaxa baabiyeen beerihihii iyo dhul daaqsimeenka goboladda dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in ayaxu baabiiyeen 100 kun oo Heketor oo ah oo isugu jiro beero iyo dhul-daaqsimeedkii xoolaha

” maalmaha soo socda waxaa na soo gaaraya qalab gacmeedkii qalab ka fiican oo baabuur lagu rakibayo iyo qalabkii dhabarka lagu rakibayay oo Automatic ah” ayuu yiri wasiirku wuxuuna sii raaciyay

” waxaan kaloo meel fiican maraysa diyaaradihii inaanu heln oo cirka laga rusheeyo oo laga buufiyo ayaxa”

Wasiirku, wuxuu kaloo sheegay inay adeegsan doonaan kiimiko lagula dagaalami doono ayaxa, taasi oo aan waxba yeeli doonin degaanka, dadka iyo xoolaha

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/565664887357416/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *