Wasiir Muqaal uu iska Duubay Ku Qirtay inuu Ku Dhacay Coronovirus

Published: February 25, 2020

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Iiran Iraj Harirchi ayaa muqaal iska soo duubay oo laga sii daayay Wakaalada wararka ee Farz wuxuu ku qirtay inuu qaaday cudurka Coronovirus.

Wasiirku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyay lagu xaqiijiyay inuu ku dhacay Coronovirus, loona bilaabay daaweynta viruskaas. Wasiir Ku-xigeenka ayaa markii u horraysay ee laga shakiyo inuu qaaday cudurka waxay ahayd mar uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Tehraan markaasi oo la arkay isagoo qufacayo, islarmarkaana dhidiya sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Iiraan Cali Rabiei.

Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Iiran oo lagu. magacaabo Mahmoud Sadeghi  ayaa qaaday cudurka coronovirys, qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku sheegay inuusan rajo badan ka qabin dunida,

Wuxuu ka codsaday Saraakiisha Cadaalada Iiran inay ka hortagaan in aan cudurka la qaadsiin maxaabiista siyaasadda u xirxiran wadankaasi.

Wadanka Iiraan, Ilaa 15 qof ayaa u dhintay cudurka Coronovirus, waxaana cudurka qaaday ilaa 95 qof, iyadoo maanta oo kaliya uu cudurku ku dhacay 95 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *