Jubaland oo ciidamo dheeraad ah u dirtay Gobolka Geddo.

Published: February 27, 2020

Ciidamo ka tirsan Jubaland ayaa la sheegay in ay gaareen degmada Beled-xaawo halkaas oo mudooyinkii danbe ay taagnayd khilaaf u dhaxeeya ciidamada ay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya gaysay gobolka Gedo iyo kuwa ka amar-qaata Maamulka Jubaland Ciidamadaan gaaray Beled-xaawo ayaa ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Ciidanka oo xalay ka baxay magaalada Dhoobley ayaa la sheegay in ay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan  duleedka Beled Xaawo.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadaas ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah sida ay sheegeen.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *