golis

Sidee Wax Looga qaban Karaa Shaqo La’aanta & Wax Soo Waar Yarida Ka Jirta Puntland?

In la derso mowduucaan wuxuu u baahan yahay dhinacyo badan oo iska kaashada oo cilmi baarayasha khibrada u leh wax laga weydiiyo, si xalli loogu helo mushkiladan qaybta ah dhibaatooyinka Somaliya ka jira guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan oo ah:


Ma shaqaysanayo nololna waa raba


Aragtidaasi adduunka kama jirto mana shaqayso.Ilaahay Quraankiisa Kariimka wuxuu ku yiri: (shaqeeya si ilaahay iyo Rasuulkiisu (NNKH) u arkaan waxqabadkiina) Saxaabigii weynaa Ilaahay ha raalli noqde Cumar Ibnu Khadaab wuxuu yiri: (Samadu dahab iyo lacag idiin dhali mayso haddaan la shaqaysan).


Marka Bulshada Somaliyeed oo reer Puntland ugu horreeyaan oo 70% ay dhallinyaro aan khibrad iyo waaya aragnimo lahayn yihiin, Madaxda siyaasada Dalka waxaa waajib ku ah oo xil ka saaran yahay inay qorshaha ku daraan dowladda sidii loo wacyi gelin lahaa, wax loola qaban lahaa, loogu abuuri lahaa jawi lagu jihaynayo inay ka qayb qaataan wax soo saarka dalka oo shaqo abuur loo sameeyo lagu jiheeyo si dalku wax soo saar u yeesho.


Waxaa tusaale la taaban karo loo soo qaadan karaa Abaartii ka dhacday Dalka Somaliya 1974, oo la oran jiray Daba dheer oo ay reer guuraagii ceyroobeen, Dowladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa waxay dejisay qorshe ay dadkii Ceyroobay loo raray Degaanada Webiyada Dujuuma, Sablaale, Kurtun waarey si ay beeralay u noqdaan iyo xeebaha, sida Eyl, Baraawe, iyo meel kale kuwaaso dalku ku liibaanay, dadkiina xirfado lagu baray, horumarna lagu gaaray.


Barnaamijyadaas wadaninimo waxaa qaban kara oo keliya qof ay maskaxdiisu ka xaaraan tahay hanti urursi iyo boobid hanti dadweyne.
Sidaa daraadeed shacabku wuxuu ka sugayaa Madaxda Puntland qorshe ku salaysan:

  1. In mudnaanta kowaad la siiyo dhiirri gelinta iyo Horumarinta Hay’adaha wax soo saarka sida Wasaaradaha Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Waxbarashada
  2. 2. In la abuuro Siyaasad dowladeed oo leh qorshe cad oo ku jihaysan wax soo saarka in loo jiheeyo dhaqaalaha dalka, shacab iyo dowladba oo la maalgeliyo dadka xeebaha la dejinayo ee Kalluumaysatada, qodatada iyo xoola dhaqatada bilaabay hadda inay bedelaan qaabkii loo dhaqan jiray Xoolaha
  3. 3. In ganacsatada soo degsanaysa badeecooyin dalal kale lagu sameeyay, ay ku bedelaan wershado yar yar oo dadku shaqo abuur ka helo, dhaqaaluhuna ku kobco.
  4. 4. In Manhajka Dugsiyada Waxbarashada mudnaanta kowaad la siiyo iyo dhiirri gelintaba sida dugsiyo xirfadeed looga furi lahaa magaaloyinka xeebaha ee kalluumaysi, kuwa beeraha iyo xanaanada xoolaha oo xirfadlayaal tababaran ay ka soo baxaan.

LA SOCO QAYB KALE

Wargayska Kaaha Bari

You May Like

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *