Kenya: Tirada uu ku dhacay Coronavirus oo Korortay

Published: March 17, 2020

Wasiirka Caafimaadka Kenaya Mutah Kagwey ayaa xaqiijiyay in tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus ay korortay 24 Saac ee la soo dhaafay.

Kenyan nurses wear protective gear during a demonstration of preparations for any potential coronavirus cases at the Mbagathi Hospital, isolation centre for the disease, in Nairobi, Kenya March 6, 2020. REUTERS/Njeri Mwangi TPX IMAGES OF THE DAY – RC2DEF94QX8Z

Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa 4 qof laga helay Cudurka, mid ka mid ah dadka laga helay cudurka ayaa lagu baaray xarun gaar loo leeyahay oo ku taala Nairobi.

Kenya ayaa 13kii bishan Maarso ku dhawaaqday in Kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus laga helay dalkeeda. Wadamada Itoobiya iyo Somaliya ayaa sidoo kale laga. helay cudurka.

Dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in kiiskii u horreeyay ee corona laga helay dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *