Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Qardho kusoo wahajan.

Published: March 19, 2020

Waxaa Maanta Magaalada Qardho si wayn looga dareemayaa abaabulka soo dhawayn loo samaynayo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kusoo wajahan magaalada Qardho, Qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Masuuliyiinta Dawlada ayaana la filayaa in ay qayb-wayn ka qaataan soo dhawayntaan.

Boqor Burhaan ayaa hawlo shaqo iyo kuwa caafimaad mudo ugu maqnaa dalka dibadiisa, dhawaan ayuuna soo gaaray Magaalada Boosaaso halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay, Boqorka ayaa la filayaa in uu shacabka la hadlo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *