Dowladda oo la soo gaarsiiyay qalab caafimaad oo qeyb ka qaadanaya ka hor-tagga faafitaanka COVID-19

Published: March 25, 2020

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la wareegtay qalab caafimaad oo qayb ka qaadanaya sidii looga hortagi lahaa Caabuqa corona (COVID-19) ee dhibaatada badan caalamka ku haya.

Maxamed Siciid Cabdullaahi, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, kala wareegay deeqda oo qayb ka ah gargaar caafimaad oo aasaasaha shirkadda Alibaba, Jack Ma uu ugu deeqay Afrika, si ay awood ugu yeeshaan xakameynta Cudurka.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro caabuqa Corona iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad-celisay maal-qabeen Jack Ma iyo Dawlada China deeqdaan ay soo gaarsiisay. waxayna sheegeen in dawladu ay waddo dadaalo lagu xakamaynayo caabuqa sii faafaya ee Carona.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *