Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Published: March 26, 2020

Ciidamada Xoooga Dalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen ururka Alshabaab, Qeybta 60aad ee ciidamada Xooga ayaa sheegay in jab wayn ay gaarsiiyeen ururka Alshabaab oo ay dagaal kula galeen deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Sareeye Guuto Maxamed Sheekh C/llaahi Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanka ay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ka war-qabeen weerar ay maleegayeen ururka Alshabaab isla markaan ay ciidamada xooga dalku iska difaaceen, waxa uu sheegay in 2 maleeshiyaadka Alshabaab ay ku dileen weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku soo qaaday deegaanka Daynuunay oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka, waxaana deegaankaas u jiraa Baydhabo qiyaastii illaa 30KM.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *