Amb Fiqi oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Published: April 1, 2020

Amb. Cali Saciid Fiqi Safiirkii hore ee Soomaaliya Midowga Yurub ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, doorasho ka dhacday Baydhabo.

Cali Saciid Fiqi ayaa helay 83 cod, halka Musharaxa la tartamayay uu helay 2 cod, iyadoo ay xumaadeen 8 cod, tirada codadka la dhiibtay ayaa dhamaan 92 cod.

Fiqi ayaa bedeli doona Gudoomiyihii Hore ee Baarlamanka Koonfur Galbeed, Sidoo kale waxaa iyagana socda wareega kale ee doorashooyinka Gudoomiye u xigeenka koowaad iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *