Puntland oo markale dib u dhigtay waqtiga la furayo Goobaha Waxbarashada.

Published: April 2, 2020

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa mar kale dib dhigtay furitaanka Gooha Waxbarashada Puntland, Wasaarada oo warsaxafadeed soo saaraty ayaa sheegtay in mudo laba todobaad ah ay dugsiyaddu xirnaan doonaan taas oo ku eg 15-ka bishaan April 2020.

Sidoo kale Wasaaradu waxa ku boorriyay Maamulka iyo Macallimiinta Iskoollada Puntland, in ay adeegsadaan Hababka Casriga ah ee Waxbaridda Ardayda, si loo dhammaystiro Casharrada ka baaqday Muqarrarka Sannad-dugsiyeedka 2019/2020.

Wasaaraddu, waxay Maamulayaasha iyo Macallimiinta Iskoolada Puntland ku wargelisay, in ay u diyaar-garoobaan Imtixaanka Naqliga ah oo sida qorshaysan bilaaban doona 18-April 2020, haddii duruuftu saamaxdo.

Sidoo kale Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ayay Wasaaradu sheegtay in ay bilaaban doonaan 30-May 2020, balse la qiimayn doono hadba sida xaaladdu noqoto , maadaama uu dunida ku sii fidayo xanuunka COVID-19.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *