Duqeyn lagu dilay Saraakiil ka Tirsan Al-Shabaab

Published: April 6, 2020

Duqayn dhinaca cirka ah oo ay fuiliyeen Taliska Maraykana ee Africa loona yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay inay ka dhacday degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellada Hoose, maalintii shalay ee Axadda.

Warka aya intaa ku daraya in duqayntan lagu dilay siddeed ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab.

Maraykanku waxa sidoo kale uu sheegay inaan dad shacab ah waxba ku noqonin duqaynta lala eegtay horjoogayaasha Al-Shabaab.

Sabtidii, ayaa sidoo kale AFRICOM waxay sheegtay in iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah Jimcihii ku bartilmameedsadeen maleeshiyo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka oo 3-dii bishan April ka dhacay agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *