Xukuumada iyo Mucaaradka oo Wadajir Fariin Ugu Diray Shacabka Somaliland

Published: April 9, 2020

Madaxa Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaarad ee Somaliland ayaa maanta si wada-jir ah shacabka si wadajir ugu diray fariin la xiriirta khatarta cudurka Coronavirus

Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen madaxweynaha Somaliland, guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka iyo guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaraadka waxay sidoo kale kaga hadleen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo cidda xaqa u leh inay ka hadasho

MadaxweynahaSomaliland Muuse Biixi bulshada ugu baaqay inay qaataan awaamiirta iyo soo jeedimaha guddigga ka hortagga xanuunka covid-19, islamarkaana ka fikiraan badbaadooda iyo midda shacabkaba,

Wuxuu shacabka ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha.

Madaxweyne Muuse isagoo ka hadlay arrimaha wadahaladalada Somaliland iyo Somaliland waxa uu sheegay in maamulkiisu diyaar ugu yahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu garnaqsado,

“Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu meesha ka saaray tashuushka iyo hadallo uu sheegay in bulshada loogu dhex tuuray ee la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo shakhsiyaad gaar ahi sheeganayaan inay u tafo xaydatay ka midho dhalintiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”

Madaxweynuhu wuxuu salaadiinta iyo madax-dhaqameedka Somaliland uga digay inay ku mashquulaan ka hadalka arrimaha siyaasadda oo ay bulshadu cid gaar ah u igmatay, gaar ahaan wadahadalada Somaliland iyo Somaliya

“Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.


XISBIGA WADANI

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka hadlay shirka jaraa’id ee madaxda qaranku ku qabteen xarunta madaxtooyada, ayaa shacabka usoo jeediyey inay si dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka covid-19, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabiga waxannu usoo jeedinaynayaa inaynu u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa, waddama aynnu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana halla qaato, xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto.”

XISBIGA UCID

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku milmay, waxana uu usoo jeediyey inay muhiimad gaar ah siiyaan beelaha ay metelaan, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Salaadiinta waxannu leenahay salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqay jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan.”

GOLLAHA WAKIILADA

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyey codsiga axsaabta mucaaridka ah iyo madaxweynaha oo isku duubani golaha wakiillada u gudbiyeen ee nuxurkiisu yahay in mar kale golaha lagu soo celiyo labadii xubnood ee ay hore kalsoonida ugu diideen, waxana uu yidhi,

“Goluhu waa xor oo wuu madax-bannaan yahay, laakiin waxannu tixgelinaynaa xisbiyada, madaxweynaha iyo talada odayaasha, goluhuna markuu fasaxa kasoo noqdo, haddii labadii hore la keenayo iyo haddii labo cusub la keenayoba golaha wakiilladu diyaar bay u yihiin in labadii xubnood la keeno, komishankuna inoo dhammaystirmo.”

GOLLAHA GUURTIDA

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,”


Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan, waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay,

“Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *