Dad looga shakiyay Xanuunka Covid-19 oo Puntland lagu karantiilay.

Published: April 14, 2020

Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa sheegay in shalay gudaha Puntland lagu karantiilay laba ruux oo looga shakiyay cudurka COVID-19 inkastoo aysan shaacin halka ay dadkaas ku sugan-yihiin.

Qoraal ay baahiyeen guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa lagu sheegay in guddigu ay Isniintii shalay karantiileen laba qof oo lagu arkay caalamadaha xanuunka COVID-19 kuwaas oo looga shakiyay in ay xanuunka qabaan.

Gudiggu waxay sidoo kale sheegeen in labadaasi qof baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo haddii ay qabaan xanuunka islamarkaana baaritaankaas oo isla shalay la qaaday ay guddigu sugayaan natiijada ka soo baxda.

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta ee Puntland ayaa horay u karantiilay shan ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 balse baaritaan kadib dhammaantood waa laga waayay xanuunka sida ay guddiga sheegeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *