Suxufi u Xirnaa Dowladda oo Lagu Eedeeyay Inuu Ka Tirsanaa Alshabaab

Published: April 22, 2020

Dowladda Federaalka ayaa war-saxafadeed ka soo saartay Sababta loo xiray Suxufi Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliy.

war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’addaha amniga ay gacanta ku hayaan Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) , islamarkaana uu ku eedaysan inuu ka tirsanyahay Argagixisada Al-Shabaab.

“Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019” Sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeedka

Wasaaradu waxay sheegtay in Hay’addaha amniga ay eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinayaan Hayaddaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

Hay’adda nabad sugida ee NISA ayaa 29 February 2020  waxay xirtay Suxufi Abuja ka dib markii uu qoray faalo uu kaga hadlay habdhaqanka ciidamada, waxaa la sii daayay 2 bishii March, hase yeshee 5 Maalmood ka dib ayaa dib loo xiray isagoo ilaa hadda u xiran dowladda.

Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee SJS ayaa ka walaacsan farsamada cusub ee ay adeegsanayso dowladda federaalka oo lagu handadayo suxufiyiinta si loo xadido xoriyada hadalka iyo madaxbanaanida saxaafadda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *