Shacabka Muqdisho oo Banaan-baxyo sameeyay iyo Dawlada Soomaaliya oo dib-u-dhigtay waqtigii bandawga.

Published: April 25, 2020
Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa maanta si wayn u ruxay banaan-baxyo ay soo abaabuleed dadka shacabka ah taas oo ay uga soo horjeedeen dil xalay askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya u gaystay 2 qof oo shacab ah xili la dhaqan-gelinyay bandawga ay dawladu soo rogtay.

2qof ayaa lagu dilay Degmada Boon-dheere, mid ka mid ah ayaana ahayd haweenay ummul ah, Dawlada Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in gacanta lagu soo dhigay askarigii dilkaas gaystay, sidoo kalena Maxkamada lasoo taagi doono.

Shacab Mudaharaadaya Muqdisho

Waaberigii hore ee saaka ayay banaan-baxyadu sii xoogaysteen dadka shacabka ah ayaana jar-jaray sawirada Madaxweyne Farmaajo ee ku dhaganaa Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho, qaarkood ayaana burburiyay goobaha lagu suggo Basaska Dadweynaha.

Gudoomiye Filish oo banaan-baxayaal la hadlaya

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo qaar ka mid ah mudahaaadyadda Maanta la hadlay ayaa sheegay in dawladu ay dib u fiirinayso go’aanka bandawga, sidoo kalena laga jawaabi doono cabashadooda.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Xijaar

Ugu danbayn Saacad ka hor Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Xijaar oo uu wehelyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in bandawgii lagu celiyay waqtigiisii hore taas oo ah in uu bilaaban doono 8da Fiidnimo, Sidoo kale Taliyuhu wuxuu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii Saldhigga Degmada Boon-dheere iyadda oo laga jawaabayo cabashada shacabka.

Banaan-baxyadaan ayaa si wayn looga dareemay Muqdisho, Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dawlada ayaana xukuumada ku dhaliilay in bandawgaan lasoo hormariyay uu saamayn xun ku yeelanayo dadka masaakiinta ah ee shacabka ah ee ku nool Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *