Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday Taliye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Booliska Puntland.

Published: April 27, 2020

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa Xilkii ka qaaday Taliye ku xigeenka 1aad ee ciidamada Booliska Puntland sarreeye Guuto Bile Faarax Cali iyo Taliye ku xigeenka 3aad ee ciidamada Booliska Puntland Gaashaanle sare  Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag).

Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli xilalkaasi loo magacaabay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *