Wadooyinka Magaalada Qardho oo la nadiifinayo.

Published: April 29, 2020

Guddigi hoosaadka Amniga, hawlaha guud iyo wacyi-galinta Guddiga gurmadka Qardho ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen biyuhu si loo furo isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf.

Gudigga ayaa bilaabay in wasakhda iyo dhiiqada laga qaado wadooyinka magaalada, sidoo kale dadka ganacsatada ee goobahooda ganacsi ay iska buuxiyeen biyaha iyo dhiiqada ayaa iyagana laga kaalmeeyay sidii ay u nadiifin-lahaayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *