Gaas, Faroole iyo Juurile oo Ka Mahadceliyay 1 Milyan ee DfS Ugu deeqday Qardho

Published: April 30, 2020

Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee federaalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Puntland ayaa bogaadiyay deeqda lacageed ee ka timid dowladda federaalka ee loogu talagalay dhibaatada ka dhalatay daadadkii ku soo rogmaday magaaladda Qardho.

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo uu weheliyo xildhibaan C/risaaq Juurile waxaa ay sheegeen in deeqda Halka milyan ah ee dowladda federaalku soo dirtay ay timid waqtigii loo baahnaa.

Madaxdu waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay soo u gurmadaan shacabka qardho oo ay sheegeen in dhibaato xoog lihi ay ka soo gaartay daadadkii ku soo rogmaday Magaaladda oo dad badani ay ku hanti beeleen.

Dhinaca kale, Madaxdu waxay ku baaqeen in maamulka howlaha gurmadka looga dambeeya dowladda islamarkaana la aamino oo la shaqeeyo guddiyada ay dowladu magacowday.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *