Muqdisho:Tirada dadka uu Ku Dhacay Covid-19 oo 600 kor u Dhaaftay

Published: April 30, 2020

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 13 kamid ah ay rag yihiin 6-na ay haween yihiin. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan.

Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona.

Dhinaca kale, Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah bukaanadii u jiifay Covid-19 uu u geeriyooday cudurka, wasaaradu waxay kaloo sheegtay in 11 qof oo cusub laga helay cudurka Maanta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *