Waa sidee xaaladda magaalooyinka webigu ku fatahay?

Published: April 30, 2020

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Xamse Siciid Xamse ayaa soo saarey warbixin ku aadan magaalooyinka webigu ku fatahay sida Baardheere oo ay ka jirto xaalad bini’aadanimo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag.

“Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.”

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa ugu baaqey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo magaalooyinka webigu ku fatahay.

Kadib roobabkii ka da’ay dhulka uu maro webiga Jubba ayaa sare u qaadey heerka biyaha waxaana ay ku fataheen magaalooyinka iyo tuulooyinka qaar kamid ah gobolka Gedo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *