Augustine Mahiga Ayaa Geeriyooday

Published: May 1, 2020

Magaalada Dodoma ee dalka Tanzania waxaa ku geeriyooday Wakiilkii hore ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somaliya Augustine Mahiga

Danjire Mahiga waxaa ku soo booday xanuun, waxaana geeridiisa la xaqiijiyay maanta oo bishi tahay 1da may. Mahiga wuxuu ahaa wasiirka Dastuurka iyo arrimaha sharciga ee dalkaasi Tansaniya.

Danjire Mahiga oo da’diisu ahayd 74 Jir wuxuu Sanadihii 2003 ilaa 2010kii dalkiisa u matalayay Qaramada Midoobay, Sanadihii 2010 ilaa 2013 wuxuu ahaa wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya isagoo bedelay Walad Cabdala.

Bishii December 2015 waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibada ee Tanzania jagadaas oo uu hayay muddo 4 sanno ah, waxaa kaloo uu xubin ka ahaa Barlamaanka Tansaniya.

Danjire Mahiga waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa heshiiskii shirkii Kambala ee xilka ra;isul wasaare lagaga qaaday madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana lagu magacaabay Cabdiweli Gaas, waxaa kaloo lagu xasuustaa kordhinta barlamaanka federaalka oo uu ku kordhiyay xubno dheeraad ah si uu u qanciyo beelaha iyo siyaasiyiinta Somaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *