Soomaaliya oo diiwaan gelisey 70 kiis oo cusub oo COVID-19

Published: May 2, 2020

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtey in la diiwaan geliyey 70 kiis oo cusub oo COVID-19 ah. Wasaaraddu waxay sheegtey in saddex qof oo horey cudurka looga helay ay ku kala geeriyoodeen Puntland, Somaliland iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa ku sheegtey warbixinadii maalinlaha ahaa in kiisaska cusub ay kala yihiin 48 nin, 22 haween ah.

67 Kiis ayaa laga diiwaan geliyey Gobolka Banaadir, halka kiisaska kale laga diiwaan geliyey Somaliland.

Tirada guud dadka laga heley Fayraska Korona ayaa gaaraya 670 qof, waxaana u geeriyoodey 31 qof.

Dowladda Turkiga ayaa maanta Muqdisho keentay deeq ay sidey diyaarad milteri kaas oo looga hortagaayo cudurka COVID-19.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *