Kiisaska Cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo siyaaday.

Published: May 3, 2020

Wasaarada Caafimaadka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ku sheegtay in Kiisaska cudurka Covid-19 uu siyaaday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 19-na haween.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *