Diyaaraddii Berdaale ku dhacdey oo la xaqiijiyey in Ciidamada Itoobiya soo rideen

Published: May 9, 2020

Diyaaraddii ku buburtey Berdaale ee nooceedu ahaa xamuulka ayaa la xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha kadibna sidaas ku burburtey.

War ka soo baxay AMISOM ee la xiriira baaritaanka wada jirka ah ee la sameynaayey ayaa lagu sheegay in diyaaradda aysan soo ridin ciidamada AMISOM ee ay soo rideen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo aan hawlgalka ka tirsaneyn laakiin la shaqeeya Dowladda federaalka ah.

Warbixinta AMISOM ayaa lagu sheegay in diyaaradani markii ay ku soo hoobatay garoonka ay sameysay weec-weecad aan lagu aqoon diyaaradaha ayna ka timid jiho kale taasi oo keentay in cidamada ay toogtaan iyaga oo ka shakiyay in howlgal is-miidaamin ah ay u socoto.

AMISOM waxay sheegtey in uusan jirin wax xiriir ah oo u dhexeeya diyaaradda iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga laga soo ridey, taas oo la xiriirta maareynta amaanka duulimaadka.

Diyarradda la soo ridey waxaa iska lahaa shirkadda African Express Airways oo ka diiwaan gashan dalka Kenya, waxaa ku nafwaayey afar muwaadin oo Soomaaliyeed iyo laba Kiinyaan ah.

Ciidamada Iroobiya ee halkaas ku sugan ayaan haysan wax oggolaansho ah oo ay Soomaaliya uga hawl geli karaan, waxaana tani markhaanti u noqotey in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin dalka kuwaas oo aan hostegein hawlgalka AMISOM ee haysa oggolaanshaha Qaramada Midoobey. Sidoo kale ma jirto oggolaansho ciidamadaani ka heleen labada Aqal ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *