Puntland: Qofkii Saddexaad oo u Dhintay Coronavirus

Published: May 9, 2020

Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa xaqiijisay in qof Saddexaad uu u dhintay Cudurka Covid19 sidoo kale waxaa korortay tirada dadka laga helay Cudurka

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka dawlada Puntland Cabdinaasir Yusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in 17 qof laga helay cudurka maanta kuwaasoo ka mid ahaa 24 oo laga baaray xanuunkana

17 qof ee laga helay cudurka 15 waa rag halka labo qof ay yihiin Dumar, waxaa ku jira hal wasiir iyo hal xildhibaan oo ka tirsan Puntland.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in qofkii saddexaad uu Puntland maanta ugu geeriyooday.

Dadka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 20 ilaa 65, waxayna kala joogaan magaalooyin kala aha:

Boosaaso 5
Qardho 5
Waaciye 3
Garowe 2
Galkacyo 2

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Xaaji ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 76 Halka saddex qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Tirooyinka warbixintaan ku qoran iska saxa. 24 baa la baray waxana laga helay 17 ay 2 dumar tahay.

    Midda kale, tittle ka wasiir ku xigeenka iska saxa. mar waxaad ku sheegteen wasiir ku xigeenka caafimaadka,mar kalena waxaad tiraahdeen wasiirka caafimaadka

    1. Aahadsan tahayw alaal, waan saxney xilka wasiir ku xigeenka, tan kale tirada guud ee la baarey ayaa ah 24 17 ayaa laga helay, 17 laga heley 15 waa rag labana waa dumar, sidaas waaye xisaabtu.

      Abdirizak
      Horseed Media