Somaliland Oo 11 Qof Oo Cusub Ka Heshay Xanuunka Covid-19.

Published: May 9, 2020

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi    iyo Agaasimaha guud  ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye oo warbaahinta kula hadlaayey wasaaradda Horumarinta caafimaadka ayaa xaqiijiyey in 11- qof oo  cusub ee laga helay xanuunka Corona Virus.

Wasiirku wuxuu   sheegay in 60 qof oo la baadhay  laga helay 11 qof oo kamid ah xanuunka Covid-19, isaga oo qof kamid ah 11- kaas qof ee cusub uu ku geeryooday magaaladda Hargeysa .

Tiradda guud ee ilaa hadda xanuunka laga helay dalka ayaa wasaaraddu ku sheegtay in ay dhan tahay 23 qof , iyada oo saddex qof oo kamid ahi ay geeryoodeen .

Kow iyo tobankan qof ee  xanuunka laga helay  ayaa kala jooga magaalooyinka Yuufle oo gobolka Sanaag ah , magaaladda Burco ,Magalaadda Hargeysa  iyo Boorame .

Geesta kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo bulshada la wadaagaya xaaladdaxannuunka Karoona Fayras ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay bukaano cusub oo uu soo ritay xannuunkaasi, isagoo sheegay in afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey 380 qof, iyadoo baadhitaanadaas lagu ogaaday kow iyo toban kiis oo cusub halka dhimashaduna ay tahay hal qof oo u geeriyooday xannuunka koofidh-19.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *