Taliye Boolis oo isu casiley rag al-Shabaab ah oo xabsiga laga siidaayey -VIDEO

Published: May 9, 2020

Taliyiha ciidanka Boolis magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug Burhaan Axmed ayaa iska casaley xilkii uu degmada ka hayey kadib markii rag ka tirsan shabakad isku xiran oo al-Shabaab ah oo uu soo qabtey xabsiga laga sii daayey iyada oo la diidey in wax baaritaan ah la mariyo.

”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga sii daayay laba nin oo yimid oo magalada aan horey u joogin lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafay, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana ninkaas markii la sii daayey loo fakiyey dhanka degmada Cadaado” ayuu yiri Taliye Burhaan.

Burhan Axmed oo horey uga tirsanaan jirey Ahlu-sunnah ayaa ku dhawaaqey in uu xilka uu degmada ka hayey isaga tegey, maadaama saraakiil kale oo ka saraysa ay u gacan dhaafeen shaqadiisi.

Maamulka Galmudug ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye ayaan dhacdadan ka hadlin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *