Ra’iisul Wasaaraha oo faray Wasaaradda Maaliyadda fududeynta lacagta Fatahaada Beledweyne.

Published: May 10, 2020

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne, kaddib markii Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Beledweyne uu shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan bixin lacagtii ay balan-qaaday sanadkii hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka Online-ka waxaa uu warbixin kaga dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha, isagoo ku baaqay in dhammaan qeybaha kala duwan ee ee bulsahda in xoogga isugu geeyaan ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.

Dowladda Federaalka ah ayaa bishii November ee sanadkii hore balan-qaaday inay bixineyso 500,000 oo dollarka Mareykanka, si wax looga qabto fatahaadaha, waxaana dhowaan Guddiga gurmadka fatahaadaha ay sheegeen in lacagtaas aysan dowladda bixin, halkii ay filayeen 500,000 oo lacagta dollarka ay soo gaartay 500,000 oo Jawaano.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *