Xisbiga Hayaan ayaa deeq raashin iyo gogol loogu gaarsiiyey Gurmadka Qardho.

Published: May 13, 2020

Deeqdaan raashinka ah oo ka kooban bur, bariis, sonkor, timir, caano, saliid iyo sharaab looguna talagalay in la gaarsiiyo dadka ku dhibaatoobay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho iyo gogol ka kooban xasiigyo, firaash, maro-kaneeco iyo bustayaal ayuu xisbigga Hayaan ku wareejiyay gudigga gurmada Qardho taas oo ay uga qayb-qaadanayaan Gurmadka loo fidinayo dadkii ay guryahooda ka barakiciyeen biyihii kusoo fatahmay magaalada Qardho dhamaadkii bishii Apriil ee lasoo dhaafay.


Wareejinta deeqdaan waxaa kasoo qayb-galay Duqa Degmada Qardho, dad ka shaqaynaya arimaha gargaarka, iyo xubno ka socday xisbigga Hayaan. ugu horayn Cabdiraxmaan Cali Nuur oo ka mid ah xubnaha Xisbigga ayaa goobta ka hadlay waxa uuna sheegay in xisbigaan uu markasta diyaar u yahay sidii uu shacabkiisa u garab-istaagi lahaa, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Cabdi-xabiib Warsame oo si wayn fududaynta Gurmadkaan uga qayb-qaatay.

Cabdi Saciid Cismaan Duqa Degmada Qardho ayaa dhankiisa u mahad-celiyay Xisbigga Hayaan iyo Gudoomiyahooda Cabdi-xabiib Warsame sida ay uga soo jawaabeen baqiii ay dawlada Puntland iyo Gudigga Gurmadku diree, waxa uu sheegay in cidii loogu talagalay ay gaarsiin doonaan deeqdaan hadii ilaah idmo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *